Xisbul Islaam”Shabaab isku aragti ma nihin waana ka baxnay

Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta waxaa uu ku dhawaaqay in uu ka baxay Ururka Al-shabaab oo Fikir ahaan isku mid ay haayeen kana Mideysnayeen la Dagaalanka Dowladda Soomaaiya iyo Ciidanka Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Afhayeenka Xisbul Islaam ayaa waxa uu xaqiijiyay in aaney ku hadaf aheyn Shabaab Maadaama ay kala Siiyaasad iyo kala Aragti ay yihiin sidaasi Awgeedna ay keentay in ay go,aansadaan in ay isaga baxaan Midnamada Ururkaasi

Maxamed Macalin Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam oo Wareysi Siinayay laanta Afka Soomaaliga ee Bbcda ayaa Waxaa uu sheegay in wixii xilligaani ka dambeeyay ay yihiin Urur ka madaxbanaan dhinacyada is,haya waxaana uu tilmaamay in ay sidoo kale ka Madaxbanaan yihiin Ururka Al-shabaab oo ay Wada shaqeyn ka dhexeyn jirtay .

Afahayeenka ayaa waxaa uu Sharaxaad ka bixiyay Waxyaabaha keenay inay ku dhawaaqaan maanta ka bixitanka Ururka ay la midoo been ee Al-shabaab.

 

Waxaa uu sheegay in ay jireen Lix Qodob oo aas Aas u ahaa inay ka Go,aan Al-shabaab isagoo Xusay in qorshaha uu aha mid muddo laga soo shaqeynayay.

 

1-In lasoo Celiyo Midnimada Umada Soomaaliyeed

 

2-in Xisbul Islaam uu waayay xalkii la rabay in la gaaro markii ay ku bireen Al-shabaab laakiin la heli waayay

3-Inaysan kamid ahayn Al-shabaab hadaf ahaan iyo Siyaasad ahaan intaba.

 

4-Inay qaateen Go’aan ah inay lahadlaan cidwaliba oo ka shaqaynaysa Nabada Soomaaliya

 

5-Inay Doonayaan In dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

 

6- Inay kasoo horjeedaan Sii joogdida Ciidamada Shisheeye ee Soomaaliya

Ururka xisbul islaam ayaa ururka al –shabaab waxaa uu la midoobay dabayaaqadii sanadkii 2010 xilligaas oo ay isku meel kasoo wada jeysteen waxaana jiray isku dhacyo dhex maray ka hor inta aaney midoobin labadani urur.

Comments are closed.

WARARKII