Xog Culus:Xiliga lala Wareegayo Kismaayo iyo Qorshaha lagu Qabanayo Magaaladaasi oo la..

Saraakiisha Milliteriga ee shanta Dowladood ee ay Ciiddamaddu ka joogaan dalka Somalia iyo Saraakiil ka tirsan Ururka Midowga Afrika ‘AU’ ayaa waxay kulammo ka yeesheen Diyaargarowgii ugu dambeeyey ee Duullaanka lagu doonayo in Kooxda Alshabaab looga qabsado magaalladda ay ku xooggan yihiin Kismaayo.

Dhismaha Ciiddamadda ballaaran ee AMISOM, ayaa lagu tilmaamay inuu tijaabo u noqonayo sida ay Ciiddamadda Huwanta cagta u marin karaan Difaacyadda Al-shabaab ku difaacanayaan Kismaayo oo ah Isha keliya ee ay Dhaqaalaha ugu xooggan ka helaan.

Waxaa la kordhiyey duqeynta Diyaaradaha loo adeegsaday in lagu dhabar-jebiyo Difaaca Alshabaab ee Kismaayo, iyadoo maalmihii la soo dhaafay dhowr duqeyn loo geystay qeybaha ay shabaab kaga sugan yihiin Difaacyadda hore ee Kismaayo.

Ilo-wareed Soomaali ah oo la socda Dhaqdhaqaaqyadda ka socda Jubbooyinka, ayaa u sheegay Wargeyska ‘The Nation’ ee ka soo baxa Nairobi inay Saraakiisha deegaanka rumeysan yihiin inuu Toddobaadkan bilaabanayo gulfka colaadeed ee Ciiddamadda Huwanta ku doonayaan inay ku qabsadaan Kismaayo.

Taliyayaasha Ciiddamadda AMISOM, waxay kulamo xiriir ah ka yeesheen Qorshaha Dagaalka Kismaayo, waxaana laga xusi karaa Kulamadii ay bilowga bishan iyo dabayaaqadii bishii July ee la soo dhaafay ku kala yeesheen magaallooyinka Addis Abeba iyo Nairobi.

Qorshaha Weerarka oo ay ku jireen duqeyn dhinaca cirka iyo badda oo Ciiddamadda lugta ee AMISOM lagu taageeri lahaa, ayaa lagu waday inuu bishan August 8-dii bilowdo, laakiinse, waxa la hakiyey kadib, markii Taliyayaasha ay dareemeen in loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo Qorshaha Dagaalka ee miiska u saran.

Taliyayaasha Sare ee Ciiddamadda AMISOM, ayaa u muuqda inay haatan isku raaceen Istaraatijiyadda Shaxda Milliteri ee Kama-dambeysta ee ay Al-shabaab kaga saarayaan Dhufeysyadda iyo Gacan-ku-haynta magaalladda Kismaayo.

Shabakadda ayaa waxa u suurtogashay inay xog badan laga helo Qorshaha Qabsashadda Kismaayo, taasi oo ay ka qeyb geli doonaan Ciiddamadda Lugta ee dalalka Kenya iyo Uganda.

Sidoo kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Ethiopia iyo kuwa Uganda ayaa lagu wadaa inay duqeyn naafeyn ah ku qaadaan bartilmaameed kasta oo Al-shabaab ku leedahay gudaha iyo daafaha Kismaayo.

Wariye: Anwar Bakhiit

Sudan-Khartoum
Email:- wararka@live.se

Comments are closed.

WARARKII