Xog:Liiskii Shariif Xasan oo Xildhibaanada Kamid Noqday”Hogaamiye Koxeedyo Kujiraan

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu maalmahan ku mashquulsanaa sidii asxaabta isaga taageersan uga mid noqon lahaayeen Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Shariif Xasan ayaan inta badan ku guuleestyay in ay gudbaan Liiska Xubnaha u gaarka ah uu wato kuna xisaabtamayo cododkooda kuwaa ay xitaa ku jiraan Hogaamiyo Kooxeedyo caan ah aan qarsoomeyn iyo sidoo kale dad ku dhacay Shuruudihii loo dhigay dadka kamidka noqonaya Baarlamaanka Cusub.

Sida Xogta aan ku heleyno arintaan ayaa timid kadib markii Shariif Xasan uu qarash badan ku bixiyay sidii raga isaga taageersan aan loo soo celin laheyn iyo sidoo kale in Gudiga Farsamada dadka kamidka ah ayba ku jiraan Rag uu isagu horey halkaasi u geestay.

Xildhibaano badan ayaa lasoo celiyay kuwaa ay Gudiga Farsamadas heegeen in Shuruudihii buuxin waayee hasa ahatee waxa aaad u yar xubno taageersan Shariif Xasan oo dib loo soo celiyay in la ansixiyo mooyaane.

Taa badalkeeda Madaxweyne Sheekh Shariif Xubno uu watay misna uu ku tashanayay ayaa la sheegay in lasoo celiyay kadib markii ay ku dhaceen Shuruudihii gudiga sidoo kale qaarkood loo adeegsaday mar marsiyo aan jirin sida in uu dad u handaday sidaana dib loogu soo celiyay.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan hada u muuqda nin sidii uu rabay wax walbo usocdaan hogaankana hada u haya xildhibaanada la gudbiyay kuwaa isaga taageersan halka qaar badan oo Madaxweynaha taageersana dib loo soo celiyay.

Dad badan ayaana layaab kunoqon doonto marka lasoo gudbiyo magacyada Xubnaha Baarlamaanka cusub kamidka noqonaya ayna ku arkaan Magacyada Hogaamiyo kooxeedyo caan ahaa halka kuwa kalana liiska laga saaray oo la diiday in ay Baarlamaanka kamid noqdaan.

Dhawaan ayey aheed markii ay soo baxday Fadeexad ku aadaneed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku murmaya in Shahaadooyin muhiim aheyn in la isku xujeeyo hadii ay sidaa timaadana ay lacag joogto Suuqana uga soo iibin doono.

Comments are closed.

WARARKII