Xubnaha Xisbiyada Puntland oo dhowaan kormeero ku samaynaya Gobolada Puntland qaybohooda kala duwan ayaa cabsi wayn ka soo wajahdey dhinaca Gobolka sanaag ka dib markii ay shirar beleedyo ka dheceen Degaanada,Mindigale,Buraan iyo Goobo kale ay ka mid tahay Degaanada Hoostaga Magaaada Badhan.
Gudoomiyaha xisbiyada Mr-Shinbiraale ayaa sheegay inay dhowaan kormeerka Gobolada samaynayaan lakiin ay taasi keentay durba caqabado lugu diidanyahay oo samayn ku yeelankara dhinaca Amaanka iyadoo Arrinina ay ku soo aadayso xili maalin 3aad Gobolka Bari beelo ka mida ay Qadeceen arrimo dhowra oo ay ka mid tahay waqti korosiga Faroole iyo xiligan inaan laga gaadhin xisbiyada.
Sidoo kale xisibyada Puntland ay ku dhawaaqday ayaa lugu eenaynayaa inay yihiin kuwo aan u madax banaanayn dadka rayadka ah ee ay yihiin kuwo Shaqsiyaad gaara oo dowlada madaxdeeda ah jeebka ugu Jira.
Buraannews.com/Garoowe