Shir-Jaraa’id oo a maanta ku Qabteen Xarunta Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Udub, Guddoomiyaha iyo Xoghayana Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Udub oo ay ku weheliyaan qaarka mid ah Murashaxiinta Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ayaa waxay si weyn ku dhaleeceeyeen Guddida Diwaangelinta Ururada Siyaasada oo ay ku ee deeyeen Masuuliyiintan Xisbiga Udub inay si badheedh ah,u laaleen Murashaxnimada Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa oonay Xaq u lahayn balse ay shaqada Guddida Diwaangelintu ku ee kayd kala reebistii Ururada ee Madaxtaabashada”
Buraanews.com/Hargeysa
Guddoomiyaha Gobolka Marood-jeex ee Xisbiga Udub Axmed Cali Direyse waxa uu sidoo kale sheegay in ay Wasaaradda arimaha Guddaha Warqad ka soo qaadanayaan, taaso ay ku codsandoonaan inay dhamaan Gobolada Somaliland ka dhigi doono Xisbigooda Mucaaridka ahi Mudaharaad Salmiya waxanu yidhi“Ujeedada aanu Shirka Jaraa’id u qabanay may aheyn in aanu u yeedhno Taarayaashayada Xisbiga Udub laakiin waxanu doonayna in aanu ka Cilaamino halkan wixii kale ee looga wareegi laha Go’aamadii kale ee Xisbigu qaatay wixii ka soo fulay in aanu qaadano,Ujeedada aanu imika ka hadlayna waxa weeyaan Shirkii aanu qabsanay waxaanu ku dooranay Murashaxa Madaxweyne iyo Ku xigeenkiisa ee Xisbiga Udub si daas ayaanu soo jeedinay hadii aanu nahay Golaha dhexe ee Xisbiga Udub”
Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Udub Axmed Cali Direysi oo hadlakiisa sii wata waxa uu yidhi“Waxa u jeedadu aheyd in lagu Ansixiyo Shirweynaha Marka ay Doorashada Golaha Deegaanka ku dhamaato,laakiin Nasiib daro markii ay halka no maraysay ee Xisbigu soo bandhigay Murashaxiinti u tartami lahayd Golaha Deegaanka,waxanu u soo jedinayana Xukuumada iyo Koomishanka Qaranka inay si Muda karnimo ah Doorashada u qabtaan oo Lacagta ay ka qaateen Murashaxiinta Golaha Deegaanka ay ee ay ku shubteen Qasnada Dawladda ay yidhaahdan intay ku Celiyaan Ururada iskaga bixiya Munaaqibiinta,oo ay si dii Xisbiga UDUB oo kale huraan oo Dawladu bixiso Lacagta Munaaqibiinta”
Axmed Cali Direysi waxa uu ugu danbeyntii inta ku daray “Waxaan ugu baaqaya Taageerayaashayada Gobolka Maroodi-jeex iyo kuwa Gobolada kaleba inay marka aanu Wasaaradda arimaha Guddaha ka soo qaadano Warqad ogolaasho ah ay sameyndoonaan Mudaharaad Salmiya,waxanu noqondoona Mudahadaraad Nabadgeliyo ah oo ku dhaca si habsami ah oo aanu ku diidno Dulmiga iyo Cadaalad darada
Xoghayahayaha Xisbiga Udub ee Gobolka Maroodi-jeex Axmed Maxmed Faraax oo Isna Shirka Jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi“waxaan ka hadlaya Diwaangelinta,Koomishanku xaq ayuu u leeyahay inu Xeerarka iyo sharciyada Xisbiyada iyo kuwa kaleba eego,laakiin nimanka la yidhaahdo Diwaangelinta waxa loo sameeyey inay Koomidhanka ka caawiyaan dhinaca Ururadii Cusba ee Siyaasadda waana taa Ujeedada loo sameeyey,waxanu ku eeka Xilkoodu maalintii ay tirada Madaxtaabashada dhameeyeen,marka iyagu Koomishan inay noqdaan Hawshoodu may aheyn ee Caawiyaal ayey ahaayeen marka inay iyadhaahdaan waxbaanu laalayba Afkooda iyo Shaqadoodatoona may aheyn “
Mahad Maxamed Cabdi oo ku hadlayey Afka 25-ka Murashax ee Gobolka Maroodi-jeex uga tartami doona Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB waxa uu si kulul u Canbaareeyey Guddida Diwaangelinta Ururadda Siyaasada waxanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya afka Murashaxiinta Golaha Deegaanka ee Xisbiga UDUB isla markana Tirada 25-ka ah ee sharcigu dhigayo iyo Shuruudahii Xisbiga looga baahna aanu dhamaantood wada dhameystirnay,hawshayadu markii ay halka taagnayd waxay ka leexatay dhinaca Guddida Didwaangelinta Axsaabta Qaranka,hadii aanu nahay Murashaxiintii Gobolka Maroodi-Jeex ee Caasimada Hargeysa wali anagu waanu u taaganahay Murashaxnimadayadii,runtiina arinta ka timi Guddida Diwangelintu waa mid fool Xumo ah oon sinaba loo aqbali Karin”
Murashax Mahad Maxamed Cabdi waxa u ugu danbeyntii yidhi “Runtii marka ay Xeerka Xisbiga ka qadlayaan anaga ayaa qoranay waxanu aha Sharcigayagii,waxay ka hadleen Qodobka 11-Aad inta kalena gacanta ayay saareen runtiina Qodobka 13-Aad oo awoodayada muujinaya iyo Qodobka 23-Aad oo ah Soo jeedinta iyo wax ka bedelka Xeerarka Xisbiga Udub Guddida Fulinta Xisbiga,kala badhna waxa soo jeedin kara Golaha Xisbiga Udub,waxanu Xeerku ku an sixi kara marka ay ogolaadan Aqlabiyada Xisbigu Udub,shirweynahayagiina may gaadhin waxaan filaya Boog aan buugan aheyn ayay akhriyeen mana garaneyno meesha ay ka keeneen Guddida Diwaangelintu”