Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay dagaaladdii khasaare badan sababay ee maalmihii u dambeeyey Degmada Xarshin ee Killilka shanaad ee Itoobiya ku dhexmarayey Ciidamada Liyuu Booliska ee deegaankaasi ka hawl gala iyo dad shacab ah oo halkaasi dega.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, ayaa ku baaqay in la joojiyo oo wada hadal lagu dhameeyo colaada ka alloosan deegaanka Xarshin, isaga oo xusay in ay Xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in ay Dawladda Itoobiya kala shaqayso nabad gelyada.
Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Gebilay oo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ku soo bandhigay murashaxiinta Gebiley ee golaha Deegaanka, ayaa isaga oo Wasiirku ka hadlaya Arrimahaasi waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan si gaara uga hadlo colaad dhawaan ka bilaabantay meelo ka mid ah Deegaanada Itoobiya, gaar ahaan halka ay degan yihiin Soomaalida ee ka soo jeeda Beel ahaan Somaliland, Arrintaa Runtii waxaanu u aragnaa in ay tahay Arrin u taal Dalka Itoobiya, oo shucuubtaa halkaas Xurguftu ku dhex martay yihiin Shucuubta Itoobiya, Waxaanu ugu baaqaynaa in arrintaasi nabadgelyo lagu soo af-jaro, Labada Dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya oo ah Laba Dal oo saaxiib ah oo xidhiidh wanaagsan leh, waxa ay si wanaagsan uga wada shaqaynayaan, sidii Nabad gelyo iyo Amni loogu soo dhamayn lahaa arrintaasi Dadka wallaalaha ah dhex martay, isla markaana lagu heshiisiin lahaa, markaa waxaan jeclaan lahaa in Dadku taageero ka bixiyaan oo sidaa u qaataan.”
Dhinaca kale, wararkii u dambeeyey ee ka imanaya Deegaanka Xarshin ee Killilka Shanaad ee Itoobiya, ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu degan tahay oo aanay wax dagaalo ahi ka dhicin, iyada oo dhinaca kalena Deegaankaasi labadii maalmood ee u dambeeyey ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsan Dawladda Federaalka ee Itoobiya, kuwaas oo halkaasi kulamo kala duwan kula yeelanayey Odayaasha iyo waxgaradka Deegaankaasi six al loogu helo colaada halkaasi ka taagan.
Ammaanka guud ee deegaamada Konfureeed ee Xarshin ayaa la sheegay in ay la wareegeen cutubyo ka tirsan Ciidamada federaalka ee Dawladda Itoobiya.

Buraannews.com/Hargeysa